Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Milatariga Somaliland oo Lagu Dilay Magaalada Hargeisa

Askari ka tirsan ciidanka milateriga Somaliland ayaa xalay Hargaysa ku dilay taliyihiisii, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in rag ku hubeysnaa bastoolado ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan militariga oo u socday gurigiisa fiidnimadii Isniinta.

Wararka ayaa sheegaya in gacan ku dhiiglayaasha ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Dilkaasi ayaa ka dhacay agagaarka Xerada Warshada Kabista, xili askariga ladilay la sheegay inuu ka yimid masaajidka Kuna wajahnaa gurigiisa

Askariga wax dilay ayaa goobta uu wax ku dilay ka baxsaday, waxaana goobta soo gaadhay ciidanka Booliska Somaliland oo goobta ka qaaday Maydka askariga la dilay, mana cada ilaa hada sababta loo dilay askariga dhintay

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Somaliland oo ay uga hadlayaan dilkii loo geystay Sarkaalka ka tirsnaa Ciidanka Milateriga iyo howlgalka ay sameeyeen Ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*