Sheeko La Yaab Leh: Nin Muslim Ah Oo Loo Diiday Dhalasho Dalka Jarmalka Ah & Sababta Oo La Ogaaday

Dhaqtar Muslim ah ayaa loo diiday dhalashada Jarmalka kadib markii uu diiday inuu gacan qaado haweeney markii ay siineysay shahaadadiisa.

39 jirkan u dhashay Lubnaan ayaa qarka u saarnaa in uu noqdo Muwaadin u dhashay dalka Germany kadib markii uu muddo 13 sano ah ku noolaa dalka kuna dhamaystay waxbarashadiisa caafimaadka kana gudbay imtixaanka muwaadinimada.

Laakiin waxa uu ku guulaystay in uu ku baaso caqabadii ugu dambaysay kadib markii uu diiday in uu gacan qaado Gabadhii masuulka ka ahayd xafladii lagu gudoonsiinayay shahaahada Muwaadinimo.

Shan sano ka dib, maxkamad ayaa taageertay go’aankooda – iyada oo sheegtay in aragtidiisa ‘xagjirnimada’ ee ninku ay ka soo horjeeddo Is dhexgalka bulshada Jarmalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*