Somaliland Oo Go’aan La Yaab Leh Ka Soo Saartay Caleemo Saarka Cuqaasha

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa go’aan ka soo saaray caleema-saarka cuqaasha sheegayna in tallaabo laga qaadayo cidkasta oo isku dayda in ay sharciga u hoggaansamiweydo iskuna dayda caleemo saarka caaqil cusub.

Wasiir Kaahin waxaa uu si gaar ah digniin ugu diray saddexda xisbi Qaran oo uu uga digay in ay ka waantoobaan caleema saarka cuqaasha ay dabada ka riixayaan.

Isaga Oo Arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi”Caaqil cusub oo danbe oo la caleemo saarayaa waa mabnuuc, boodh danbe oo la taagayaana ma jirto”

“cidda dabada ka waddana tallaabo ayaanu ka qaadaynaa, imika waxaanu og-nahay kuwo hadda la wado caleema saarkooda dad u xidhan, waxaa kale oo aanu og-nahay kuwa asxaabta siyaasiga ahi dabada ka wadaan, tallaabo ayaad ka qaadaysan hadii xisbul xaakimka KULMIYE yahay iyo hadii xisbiyada mucaaridka ah yahayba sharcigana dadka ayay kala mid yihiin, sharcigana la marinayaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*