Somaliland Oo Go’aano Ka Soo Saartay Diyaaraha Duulimaadyada Ee FlyDubai & Air Arabia

Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta ka shiray Arimaha shirkadaha duulimaadyada ee fly Dubai iyo air arabia kuwaas oo ka ganaaxnaa in ay duulimaadyo ka sameeyaan Somaliland.

Shirka oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka dhacay madaxtooyada iyada oo la joojiyay qaabkii maqalka iyo muuqaalka ahaa ee uu u dhici jiray shirku bilihii ugu dambeeyay.

Shirka ayaa ku saabsanaa in xayiraada laga qaado shirkada duulimyada ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Go’aanadii ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada ee ka dhacay arimaha Diyaarada:

  1. In raali galin sharci ah ay soo qoraan Maamulka Shirkadaha Fly Dubai iyo Air Arabia.
  2. In Xukuumadu ka shaqeyso sidii loo dardar gelin lahaa dhameystirka nidaamka sharci ee lagu sii deynaayo shirkadahaasi.
  3. In ay sii Xayirnaadan ilaa inta Hawshooda Sharci dhaamaaneyso.

Image may contain: 1 person

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*