Somaliland Oo Kashiftay Sababta Ay Xayiraada U Saartay Haayadaha Qarmada Midoobay

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa shaaca ka qaaday sababtii ay Xukuumada Somaliland Xayiraada u saartay Haayadaha Qaramada Midoobay ee ka hawl gali jiray Dalka.

Xukuumada Somaliland Ayaa dhawaan shaacisay in ay si deg-deg ah xayiraad u saartay dhamaan Haayadaha ay iska leedahay qarmada Midoobay ee ka Hawl gala Gobolada Somaliland.

Wasiir Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo waraysi siinaya Tv-ga Bulsho ayaa sharaxay sababta ay Somaliland xayiraada u saartay Haayadaha Qaramada Midoobay.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan soo saarnay warqad shaqo joojin ku samaynaysa haayadaha Qaramada midoobay ma ahan haayadaha oo dhan”.

“Sida laga yaabo in ay dadka qaarkiis ka war hayaan Qaramada Midoobay waxa ay soo saartay Barnaamij 5 sano ah oo bilaaban doona bisha January sanadka 2025-ka kaas oo ah barnaamijkii ay ku hawl gali lahayd ee waxqabadkeeda ku salaysnaa laakiin dhamaan waxa uu ahaa barnaamij loogu tala galay Jamuuriyada Federaalka Somaliya, ma jirto meel ay Somaliland kaga jirto”.

“Ma jirto meel uu qorshaha Somaliland ee horumarineed kaga jirtay, dhamaan waxa uu ku salaysnaa qorshaha Somaliya ee Horumarineed kaas ayaana loogu tala galay in Somaliland Laga Fuliyo sidaas darteed waxa aanu Hakinay qorshahaas laakiin maanu joojin laakiin waanu hakinay ilaa inta laga wadahadalayo, diyaarna uma nihin in uu qorshahaas Somaliland ka fulo sababta oo ah qorshe na khuseeya ma ahan”.

“Waxa uu ahaa qorshe cay ku ah Somaliland oo muujinaya in ay Somaliland ka mid tahay Gobolada Federaalka ah ayuu ahaa”.

“Sidaas Darteed Xukuumada Somaliland diyaar uma ahan in qorshe noocaas ah wadankeeda laga fuliyo”.

“Wixii qorshayaal ah ee ka horeeyay kan way soconayaan laakiin qorshahan cusub ee ka bilaabanaya 2021 ilaa 2025 waanu hakinay waxana aan doonaynaa in aanu Is afagarad ka gaadhno ama uu sidaas ku joogsado”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*