Somaliya Oo Ugu Dambayn U Jawaabtay Madaxweynaha France Oo Aflagaadeeyay Nabi Muxammed {N.N.K.H}

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.

Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

1 Comment

  1. Qofki ku xad gudpa nabigena muhamed scw wuxu ku xad gudbay hogaaanki musliminta angana wxan ku qaspanhay Qofki ku xad gudbay supanahena muhamed scw inan marina waajipaadkiisa wuuuna maraya the presidents if they are not respect the religion specially our religions islam is the key of life is the only really religion so and who abuse our prophet Muhammad scw allh will neglect him so some presidents look pefore they are talking
    And side of our public all Muslims we must preparing the weapon that we fighting our enemies every time every secen every minute every hour every day we are ready to fighting the enemies who abuse our prophet Muhammad scw scw jazzak allh Khayr

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*