U Gaar Ah Ragga: Faa’iidooyinka Ay Leedahay In Aad Guursato Gabadh Guur Soo Martay.

Ragga inta badan way iska ilaaliyaan inay guursadaan dumarka la furay, gaar ahaan Ragga Dhalin yarada ah aakiin waxa ragga badankood aysan ogeyn in guursashada haweeneyda la furay ay leedahay faa iidooyin badan lagana yaabo inay ka fogaato dhibaatooyin fara badan oo ay la kulmaan Gabdhaha Guurka ku cusub.

Ogow faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee ninku ka faa’iideysan doono haddii uu guursado haweeney la furay:

1.In Ayna Gabadh La Furay Kaa Diidayn Wax Amar ah:

Gabadha Ninka hore soo martay hadii aad si fiican ula dhaqanto way ku jeclaanaysaa waliba in badan, waxana ay sida aad ula dhaqmayso bar-bar dhigaysaa Ninkeedii hore waxana ay ku bushaaraysanaysaa in uu Illahay siiyay Nin ka khayr badan midkii hore waxana ay kuula dhaqmaysaa si fiican marnaba kaa diidimayso waxa aad ka dalbato marna halis ma galinayso xidhiidhkiina khilaaf walba oo idin dhexmara.

2.Waxa Ay Si Aad U Doonaysaa In Uu Guurkiinu Sii Socdo:

Gabadha la furay mar kale ma doonayso in la furo sidaas darteed waxa ay si adag ugu shaqaynaysaa sidii uu Guurkiinu u sii socon lahaa waxana ay Xambaaraysaa dhibaatooyin weyn si ay u sii ilaashato guurkiina.

3.Waxa ay ku siinaysaa jacayl badan;

Gabadha la furay waxa ay noqonaysaa mid dareen ahaan diyaar u ah sababta oo ah dhib badan ayay soo martay waxana ay doonaysaa in ay ilowdo ninkeedii hore sidaas darteed waxa ay ku siinaysaa jacayl xad dhaaf ah si ay dib ugu hesho farxadeeda.

4.Waa Gabadh Khibrad leh:

Gabadha la furay waa gabadh ka duwan kuwa guurka ku cusub sababta oo ah waxa ay horay u soo martay guur sidaas darteed waxa ay ka fogaanaysaa dhibaatooyinka ay ku dhacayaan gabdhaha guurka ku cusub ee ay ka maqantahay khibrada nolosha guurku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*