Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Kulan Ka Yeelatay Ka Hor Taga Xanuunka Korona Wakhtiga Qaboobaha.

Shir uu gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caaafimaadka JSL ๐Œ๐ฎ๐: ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin Agaasimayaasha Waaxaha W.H.Caafimaadka JSL oo ka qabsoomay Xaaruunta Wasaaradda H Caafimaadka JSL ayaa lagaga hadlay diyaar garowga, Kahortaga iyo xakamaynta xanuunka COVID-19 oo xiligan qaboobaha markale halistiisa laga dareemayo dalka iyo guud ahaan duniddaba.

Kulankan oo arimaha lagaga xaajooday ayaa kamid ahaayeen :

1. Xaaruumaha daawaynta iyo daryeelka ee xanuunka Coronavirus.

2. Kor uqaadista aqoonta dhakhaatiirta & tababarka hawl-wadeenada ka hawl gala xaruumaha daawaynta bukaanka Coronavirus.

3. Dardargalinta iyo dib u habaynta xaaruumaha wicitaanka xidhidhka (Call Centers-ka).

4. Diyaarinta dawooyinka, gaadiidka, Oxygen-ta IWM ee ku filnaan kara baahiya bukaanka muhiimka u ah dawaynta.

5.Dardargalinta wacyigalinta & bararujinta Kahortaga & xakamaynta xanuunka Covid-19

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada joogtada ah ee Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caaafimaadka JSL uu la yeesho saraakiisha iyo hawl-wadeenada Wasaaradda H Caafimaadka JSL.

Sidoo kale, Wasaaradda H. Caafimaadka JSL waxay bulshada Somaliland ku wargelinaysaa in xiligan qaboobaha uu xanuunka Coronavirus uu markale dunida kusoo Laba-kacleeyay, dadka dalka gudahiisa laga helayaana ay kordhayso. Sidaa darteed, waxay fariin cafimaad oo wacyigalin ah udiraysa bulshada somaliland. Iyada uga digaysa halista Covid-19 oo xiligan qaboobaha dalka & dunidaba ku siyaadaysa.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa deddaal adag ugu jirta buuxinta baahiyaha caafimaadka iyo horumarinta adeega caafimaadka jamhuuriyada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*