Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Hanjabay In Uu Is Casili Doono & Madaxweynaha Soo Sabab U Ah

Warar Soo baxayey 24 Saacadood ee ugu dambeyey ayaa iftiiminaya khilaaf xoogan Oo soo kala dhex galay Madaxweyanyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed .

Sida Ila Wareedyadu Xuseen Ismaandhafka Madaxweynaya iyo Wasiirka ayaa  soo shaac baxay  Kadib kulankii Madaxweynuhu iskugu yeedhay golaha wasiirada.

Dhanka kale Ilo Wareed lagu Kalsoonyahay ayaa Tibaaxaya in Wasiir Kaahin Ku Hanjabay inuu iscalidoono  Laakiin warka ayaa intaa ku dirayaa in wasiirka loo diray Ergo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Guurtidu si loogu Qanciyo In aanu iscasilin Arimka Isaga iyo Madaxweynahana  dhulka uu dhigo

Geesta kale Wasiir Maxamed Kaahin Oo inta badan lagu yaqaqno in aanu ka hadhin Safarada Madaxweynaha Ayaan Qayb ka ahayn weftiga Madaxweynaha ee Socdaalka Ku Maraya Qaar Ka mida Gobolada Bariga Somaliland , Waxana taasi  Tooshka ku Shidaysa in Wax Ka jiraan Khilaafka wasiirka iyo Madaxweynaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*