Wasiirada cusub ee Soomaaliya Oo Lagu Dhawaaqay Xilli Ay Doorashada Madaxweynuhu Soo Dhawdahay.

Golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya ayaa Lagu dhawaaqay afar toddobaad ka dib markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ansixiyeen baarlamaanka kadib magacaabistiisa.

Liiska golaha wasiirrada cusub, oo ka kooban ra’iisul wasaare ku-xigeen iyo 26 wasaaradood ayaa la soo saaray goor dambe oo Arbacadii ka dib toddobaadyo ay socdeen gorgortanno adag oo ku saabsan shakhsiyaadka loo magacaabayo jagooyinka wasiirrada, iyadoo madaxweynaha, taliyihiisa sirdoonka iyo afhayeenka baarlamaanku ay soo xulayaan inta badan wasiiro cusub.

Xubnaha magac ku leh golaha wasiirada ee waqtigoodu dhamaaday ee xilalkoodii waayey waxaa kamid ah wasiirka waxbarashada C / laahi Goodax Barre iyo wasiirka amniga Maxamed Cabdukar Islow oo lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Raiisel wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirka maaliyada C / raxmaan Bayle, FM Axmed Ciise Cawad iyo wasiirka caafimaadka Fowsiya Abuukar ayaa ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ee waqtigooda dhamaaday ee wali sii haya xilalkooda.

Kala bar golaha wasiirada cusub wuxuu ka kooban yahay wasiiro xilalkoodii dhamaaday oo xiriir dhow la lahaa madaxweynaha xilka haya Maxamed C / laahi Farmaajo oo hada dadaal xoogan ku bixinaya sidii loo xakameyn lahaa saameynta tartamayaasha kula loolamaya doorashada madaxweynaha.

Ku dhawaaqida golaha wasiirada cusub ayaa imaaneysa 3 bilood oo kaliya inta laga gaarayo doorashada madaxweynaha walina ma cada hadii wasiirada cusub ay awood u yeelan doonaan in ay gaaraan ujeedka laga damacsan yahay ee ah in dalka lagu hogaamiyo doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*