Wasiirkii Hore Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Oo Weerar Ku Qaaday Xukuumada Cusub Ee Ra’iisal Wasaare Rooble & Somaliland Oo Sabab U Ah.

Wasiirka hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, ayaa ku eedeeyay wasiirro ka tirsan Xukuumada Raisal Wasaare Rooble iyo xog-hayntiisa inay faro galin ku billaabeen xulista guddiyada doorashooyinka Somaliland.

Maareeye oo xubin ka ah guddi loo magacaabay qaban qaabada doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in wasiiradda u yimid uu mid walbaa wato liis u gaar ah uu ku saabsan magacaabidda guddiyada doorashooyinka wakiiladda Somaliland.

“Xukuumada RW Rooble yaaney u maleyn in doorashada xubnaha Somaliland ay tahay kooto baylah ah oo iyadu ay maamusho” ayuu yiri wasiir Maareeye oo hadal ka jeedinayey kulan ay iskugu yimaadeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo waxgarad ka soo jeeda Somaliland.

Wuxuu sheegay isaga iyo xubno siyaasiyiin ah inay Ra’iisul wasaaraha ka codsadeen in aan lasoo faro galin doorashada Xildhibaanada ka socda Somaliland ee Muqdisho lagu qabanayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*