Weerar Dhimasho & Dhaawac Gaystay Oo Ka Dhacay Magalaada Nice Ee Dalka France.

Wararka ka imanaya dalka France ayaa sheegaya in ay magaalada Nice ka dhacday weerar Mindi lagu weeraray dad meel ku dhaw Kiniisad.

Shabakada Aljazeera qaybteeda luuqada carabiga ayaa sheegaysa in meel kiniisad u dhaw lagu dilay saddex qof sidoo kale lagu dhaawacay dad kale oo dhawr ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qofka weerarka gaystay gacanta lagu dhigay kadib markii uu weerarka gaystay ee uu dad-na dilay qaar kalena dhaawaca.

Weerarkan ayaan la ogayn ilaa haatan cida ka dambaysay laakiin masuulka magaalada Nice ayaa sheegay in ay argagixiso tahay weerarka dhacay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Qofka weerarka gaystay uu Isticamaalay Mindi kuna dilay laba qof kuwo kalana dhaawacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*