Xaqiiqada Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi & Wasiirkada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Oo Laga Hadlay

Maalmihii ugu dambeeyay waxa la isla dhexmarayay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waliba wasiirkiisa Arimaha Gudaha ee Maxamed Kaahin Axmed.

Khilaafkaas ayaa la sheegayay in uu ku salaysnaa kala fikir duwanaansho ay labada Masuul kaga kala fikir duwanaayeen ganaaxa diyaaradaha Fly Dubia iyo Air Arabia.

Taas ayaa keentay in si weyn loo hadal hayo khilaaf xoogan oo la sheegayay in uu soo kala dhex galay madaxweynaha iyo wasiirka.

Laakiin La taliyaha Wasiirka Cabdilaahi Axmed Carshe kaas oo ah Dadka aadka ugu dhaw wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa beeniyay wararka sheegaya khilaafka wasiirka iyo madaxweynaha.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Khilaafka la sheegayo waa mid kaliya suuqa lagu hadal hayo waliba been iyo dacaayad ah”.

“Wararkaas ma ahan kuwo xaqiiqo ah oo sal iyo raad leh, waxana aan kuu cadaynayaa in wasiir maxamed Kaahin Axmed waa nin mujaahid ah, waa Nin sharaf leh, Madaxweynaha Qarankana waynu garanaynaa Taariikhdiisana waynu haynaa”.

“Waa laba Nin oo saaxiibo ah In badan soo wada joogay soona wada dagaalamay Maantana wada jooga, Maxamed waa wasiirka Arimaha Gudaha Muuse Biixi-na waa Madaxweynaha Qaranka Somaliland sidaas darteed arimaha la isla dhexmarayo waxba ka badali mayso arintaas saaxiibtinimadooda iyo xidhiidhkooda iyo wada shaqayntooda wanaagsan”.

“Waxa la faafinayo ee ah in ay isku dheceen Labada Masuulna wax jira ma ahan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*