XASAASI: Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland Oo Ku Biiray Ciidamada Somaliland.

70 askari iyo Laba Baabuur oo Tikniko ah oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ayaa isku soo dhiibay ciidamada qaranka Somaliland ee deegaanka Boocane ee gobolka Sool.

Ciidamada ka soo goostay Puntland ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Boocaane iyaga oo uu soo dhaweeyay maayarka degmada Boocane Faarax Cali Maxamed iyo Taliyaha ciidanka Qaranka ee degmada Boocane.

Sarkaalka hogaaminyay ciidamada soo goostay oo lagu magacaabo Gaashle Cabdixakiin Yaasiin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garwaaqsadeen in dalkoodu yahay Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ay ka soo goosteen Puntland oo cadaalad daro xun ku hayeen isaga oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin soo dhawaynta loo sameeyay kana mid noqdaan ciidamada qaranka Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*