XASAASI: Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Somaliya Xasan Cali Khayre Oo Balan Qaad U Sameeyay Kenya Hadii Uu Madaxweyne Ka Noqdo Dalka Somaliya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Nairobi ayaa ballanqaaday inuu caadi ka dhigayo xiriirka ay Somaliya la leedahay Kenya sidoo kale wax badan ka qaban doono muranka dhanka badda ah ee ee muddada dheer soo jiitamayay.

Mudane Khayre ayaa kulan la qaatay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya baarlamaanka Kenya maalintii talaadada, kulankan oo uu ku soo bandhigayay codsi uu ku codsanayo in uu ku helo taageerada Nairobi ee ku wajahan tartankiisa doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2021, isagoo balanqaaday inuu abuuri doono jawi dhaqaale oo ku habboon labada dal ee deriska ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayay baarlamaanka Somaliya dhawaan kala laabteen kalsoonidii kadib khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay madaxda ugu sareysa dowlada kuna aadan doorashada soo socota maadam uu u muuqday mid ka soo hor jeeday muddo kordhin la sameeyo.

Xiriirka udhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday kadib markii Nairobi ay ku adkeysatay inay ka caawiso madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe inuu kusii sugnaado awooda gobolka isagoo diidaya dalabaadka dowlada Soomaaliya.

Haatan, Khayre oo ka faa’iideysanaya fursaddan dhifka ah ayaa la yimid soo-jeedin si loo hubiyo inuu helo taageerada Nairobi 3 bilood ka hor doorashooyinka madaxwynea ee soo socda.

Arimaha uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah joojinta joojinta Qaadka Kenya ee ay soo rogtay Soomaaliya wax yar kadib markii xanuunka Korona ku dhuftay dalka horaantii sanadkan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somaliya ayaa mudanayaasha baarlamaanka Kenya u sheegay in xiriir dhab ah oo adag oo ka dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho uu u furi doono fursado badan jiilasha soo koraya ee labada dal ee Bariga Afrika. Mudane Khayre ayaa sidoo kale u xaqiijiyey mudanayaasha in maamulkiisu uu si dhakhso leh u soo celin doono xiriirkii uu la lahaa Nairobi haddii loo doorto madaxweynaha.

Arrinta ku saabsan muranka badda ee xilligan ka dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho, Xasan Cali Khayre ayaa  sheegay inuu hore dajiyay qorshe xal waara loogu helo khilaafka loona soo bandhigo siyaasad diblomaasiyadeed oo cusub oo lagu doonayo nabad ku wada noolaanshaha dawladaha deriska ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*