XASAASI: Xildhibaanada Reer Somaliland Ee Muqdisho U Shaqatagy Oo La Soo Dareerinayo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Cadde Gaabow ayaa weerar ku qaaday xildhibaanada Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho kana shaqaysta Somaliya.

Cadde Gaabow oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Horta Somaliland Laba Dal ayaan kala ahayn, Ingriiska ayaa Xumkumayayanagana Talyaaniga ayaa na Xukumayay, Ninamkaas waa Noo yimaadeen iyada oo xitaa jooga, Jooga la leeyahay ayay noo yimaadeen”.

“Somaliland wali kama hadlin laakiin dadka reer Somaliland Fariin ayaan u dirayaa, shalay ayay soo fududaadeen hada in ay mar kale soo fududaadaan lama rabo”.

“Anaga ayaan waxba isla meel dhigin, ayayna noo iman, marka aan anaga wax isla meel dhigno ayaan go’aan gaadhaynaa”.

“Somaliland Waxa gumaysan jiray Ingriis anagana Talyaani sidaas darteed meeshooda ha joogaan ayayna Noo iman, sababta oo ah Muqdisho in lagu doorto xaq ma ahan doorashadooduna lama qabanayo, xildhibaanada Somaliland ka soo jeeda Ha Aadan Gobolada Ay Ka Soo Jeedaan Ee Ku Yaala Somaliland”.

“Ma ogolaanayno in Xildhibaanada Somaliland lagu doorto Muqdisho mid walba ha aado gobolkii uu kaga soo jeeday Somaliland”ayuu sii raaciyay.

“Hadii uu Muuse Biixi Ogolyahay in Muqdisho lagu doorto Xildhibaanada Somaliland ka soo jeeda isagu Ergo ha soo dirsado hadii kale ma jiri doonto xildhibaano Somaliland ah oo lagu dooran doono Muqdisho”.

“Xildhbaanada dhul ayay leeyihiin Somaliland ayaana la yidhaahdaa sidaas darteed ha aadaan halka ay ka soo jeedaan”.

“Xamar Hawiye ayaa iska leh sidaas darteed ama Muuse Biixi ayay la jirayaan oo Somaliland ayay Aadayaan ama Muuxe Biixi Ayay Muqdisho Keenayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*