Xiddigaha Ugu Waaweyn Xulka Qaranka France Oo Ka Fadhiisanaya Waajibaadka Xulkooda Kadib Markii Uu Madaxweynaha France Aflagaadeeyay Nabi Muhammad SAW

ST PETERSBURG, RUSSIA - MARCH 27, 2018: France's N'Golo Kante, Ousmane Dembele, Benjamin Pavard, Anthony Martial, Kylian Mbappe (L-R front), Paul Pogba, Samuel Umtiti (L-R background) and goalkeeper Hugo Lloris (R background) pose for a group photograph ahead of a friendly football match against Russia at Saint Petersburg Stadium. The French team won the game 3-1. Alexander Demianchuk/TASS (Photo by Alexander DemianchukTASS via Getty Images)

Xiddigaha Muslim-ka ah ee u ciyaara xulka qaranka France ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fadhiisanayaan waajibaadka xulka qaranka France sabab la xidhiidha Aflagaadada loo gaystay Nabi Muhammad “Naxariis iyo Nabad galayo korkiisa ha ahaatee”.

Dalka France ayaa faro kulul ku haya diinta Islaamka todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii Nin Macalin ah uu arday tusay sawiro kartoon ah oo uu ku tilmaamay Nabigeena.

Waxa macalinka Dilay wiil dhalinyaro oo Muslim ah ka hor intii aan isagana lagu dilin isla booskii uu ku dilay Ninka macalinka ah ee u dhashay France.

Kadib dhacdadaas Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu dalkiisu sii wadi doono Aflagaadada Nabi Muhammad “Naxariis iyo Nabad galayo korkiisa ha ahaatee”.

Kadib go’aankaas xiddigaha muslimka ah ee u ciyaara xulka qaranka France ayaa lagu soo waramayaa in ay gabi ahaan isaga fadhiisanayaan waajibaadka xulka qaranka France.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*