Xisbiga WADDANI Oo Dhaliilay Safarkii Gobollada Galbeedka Ee Madaxweyne Muuse Biixi

Xoghayaha Qorshaynta ee Xisbiga WADDANI Bashiir Cabdi Xariir oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaynu u baahan nahay inaynu dalkeena qorsheyaal u samaynayo oo aynaan ku masqhquulin safarrada aynu Mallaayiinta ku bixinayno, Calamada iyo Sawirrada Madaxweynaha iyo Roogagga cascas ee aynu dhigayno.”

Bashiir waxa kale oo uu sheegay “Waxaynu dantu ku jirtaa inaynu Hay’adaheena Dawladda dhisano, in Madaxdu ay Gobollada dalka u tagto inay soo qiimayso adeeggii Caafimaadka iyo kii Biyaha iyo kii wasaaradaha ee Meesha ka jiray, in la soo qiimeeyo Saldhigyada Booliska kuwa shaqaynaya iyo kuwa xidhan, in laga gudbo Marxaladda aynu weli ku jirno ee ah inaynu Beelaha iyo Durbaankoodii weli ka shaqaynayno.

Safarkaa u dambeeyay sida loo soo dhaweeyay (Madaxweynaha) iyo sidii loo yaacayey waxaad moodaysay Raysal-wasaaraha Shiinaha oo loo ogolaaday Taiwan, laakiin umaynaan baahnayn, waxaynu u baahnayn in isku duwayaasha qaar shaqada laga qaado markay xilkooda gudan waayeen, qaarna la soo dalacsiiyo..” ayuu yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*