Xisbiga WADDANI Si Adag Uga Hadlay Xayiraadaha shirkadaha Fly Dubai & Air Arabia Iyo Socdaalka Madaxweyne Biixi Ee Gobolada Dalka.

Hogaamiye Xirsi Cali xaaji Xasan oo warbaahinta la Hadlayey ayaa Sheegay in Xayiraada diyaaradaha Fly Dubia iyo Air Arabia ay ka dhigan Tahay Han daraabkii Madaxweyne Muuse Biixi Lagu sheegi Jiray oo uu badheedh u handaraabay Dalka.

Xirsi ayaa sidoo kale Sheegay in ay Dhawaan Soo Bandhigii doonaan Baadhis ay ka sameeyeen Sida uu Sheegay Musuq maasuqa,Dhibaatooyinka Iyo Dib u Dhaca Dalka.

Hogaamiyaha Ayaa intaas raaciyey in Madaarkii Hargeisa ee camirnaa markii Madaxweynuhu xilka la wareegay uu waaqle yahay oo Diyaarad keliya  Madaxweynaha loo tirinayaa ka Soo Degto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*