Al-Shabaab Oo Sheegatay Weerarkii Ka Dhacay Muqdisho & Dhimashada Oo Kor U Kacday.

Dagaalyahanada AlShabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxii is miidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada xamar jab-jab Xerada tababarka General Kahiye Police Academy.

Qaraxa oo ahaa mid is miidaamin ah ayaa ka dhacay meel maqaaxi ah kadib markii uu Nin is qarxiyay sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Booliska oo saxaafada la hadlay.

Faah-faahinada haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaab sheegatay masuuliyada qarada ka dhacay magaalada Muqisho.

Dhanka kale Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ku dhinteen Ka mid ah ciidamada Booliska halka ay ku dhaawacmeen 14 Boolis oo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*