Ciidamada Tigrey-ga Oo Weerar Ku Qaaday Dhulka Amxaarada

Ciidamada Tigrey-ga ayaa weeraro Gantaal ah ku qaaday magaalada Bahr Dar ee ee dhulka Amxaarada ee Itoobiya, sida ay xaqiijisay xukuumada gobolku.

Ilo wareedyo katirsan dowlada oo kusugan Amxaarada ayaa tilmaamay in weerarka uusan geysan wax khasaaro ah.

Xafiiska isgaarsiinta ee dowlada ayaa ku sheegay bogeeda Facebook, “Jabhada Xoraynta ee Tigreega ee sharci darada ah waxay weeraro gantaal ah ku qaatay Bahr Dar 1:40 Habeenimo iyada oo ayna wax khasaare ah gaysan”.

Waxaa xusid mudan in Gobolka Axmaarada uu ciidan u diray Tigray si ay u taageeraan ciidanka Itoobiya ee dagaalka ka wada gobolkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*