Dagaalyahanada Gobolka Tigreega Oo Weeraro Ku Qaaday Caasimada Eritrea Ee Asmara & Magaalooyin Kale Oo Dalkaas Ah.

Dagaalka u dhexeeya Dawlada Federaalka Itoobiya & Dagaalyahanada Gobolka Tigreey-ga ayaa u muuqda mid ku sii baahaya wadamada jaarka la ah dalka Itoobiya.

Dagaalyahanada Tigery-ga ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar ku qaadeen caasimada dalka Eritrea ee Asmara saacado yar ka hor sida ay sheegayana wararku.

Wararka ayaa sheegaya in ay Dagaalyahanada Tigrey-gu 6 Gantaal ku tuureen caasimada Eritrea ee Asmara kadib markii ay TV-yada Tigrey-ga uga hanjabeen Eritrea.

Tigrey-yga ayaa la sheegayaa in ay caasimada Eritrea ee Asmara iyo waliba magaalooyin kale oo dalkaas ah ku tuureen gantaalada Ridada dheer.

Gantaalada ayaa la sheegayaa in lala eegtay madaarka Asmara ee Asmara International Airport iyo waliba wasaarada warfaafinta ee dalka Eritrea.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*