Dalka Turkey-ga Oo Si Kulul Uga Hadlay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqidho.

Jamhuuriyadda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay weerar ay ku dhinteen sideed qof oo ka dhacay caasimadda Muqdisho fiidnimadii Jimcaha.

Weerarka oo lala bartilmaameedsaday maqaayad caan ah ayaa waxaa fuliyay qof naftiisa qarxiyay kaas oo xidhnaa Bom.

“Waxaan ka xunnahay inaan helno warka ah in ugu yaraan 8 qof ay naftooda ku waayeen, 10 kalena ay ku dhaawacmeen weeraradii argagixiso ee ka dhacay Soomaaliya shalay (27-kii November) agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho.”

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan argagixiso waxaanan tacsi u direynaa dadka walaalaha ah iyo Dowladda Soomaaliya. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaskii iyo eheladii dadkii waxyeelladu soo gaadhay, waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”.

Kooxda hubeysan ee al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka iyaga oo sheegay in ay bartilmaameedsadeen saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*