DEG-DEG: Maamul Goboleedka Hirshabelle Oo Yeeshay Madaxweyne Cusub

Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta Si Rasmi ah u yeeshay Madaxweyne Cusub kadib doorasho dhacday maanta.

Xildhibaanada Goka wakiilada Hirshabelle ayaa maanta doortay madaxweyne Cali Guudlaawe xuseen isaga oo jagada ka badalay Madaxweynihii hore eeĀ  Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha la doortay ee Cali Guudlaawe xuseen oo la tartamayay musharax Cabdiraxmaan jimcaale Cusmaan ayaa kaga guulaystay xilka madaxtinimo ee maamul gobleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha la doortay ee Cali Guudlaawe xuseen ayaa maamulka Goboleedka HirshabelleĀ  Hogaamin doona 4-ta sano ee soo socota.

Doorashada ayay codeeyeen 99 xildhibaan waxana uu Cabdiraxmaan jimcaale Cusmaan ayaa helay kaliya 13 cod halka uu Cali Guudlaawe xuseen helay 86 cod.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*