DEG-DEG: Raiisel Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay In Hawlgalkii Tigreegu Soo Afjarmay Kadib Markii Ciidanku Qabsadeen Magaalada Mekelle

Raiisel wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray howlihii milatari ee waqooyiga gobolka Tigray ka dib markii ciidanku ay sheegeen in ay “si buuxda gacanta ugu dhigeen caasimada gobolka, Mekelle.

Ma jiro wax hadal ah oo deg deg ah oo ka soo baxay xoogaga daacada u ah jabhada aadka u hubeysan ee TPLF kuwaasoo la dagaalamayay ciidamada federaalka in ka badan seddex todobaad.

Kumanaan qof ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen ku dhowaad hal milyanna laga qasbay in ay guryohooda ka cararaan kuwaas oo qoxoonti ahaan u galay dalka Sudan.

“Dowladda federaalka hadda waxay si buuxda gacanta ugu haysaa magaalada Mekelle,” ayuu Abiy ku yiri hadal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Waan ku faraxsanahay inaan shaaciyo inaan dhameystirnay oo aan joojiney howlihii militari ee gobolka Tigrey,” ayuu ku yiri fariin kale oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Waxaan diirada saareynaa hada dib u dhiska gobolka iyo bixinta gargaar bini’aadanimo inta ay ciidamada Federaalku gacanta ku soo dhigayaan madaxda kooxda TPLF”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*