Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dagaalka Itoobiya Fariina U Diray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Ee Aby Ahmed.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dagaalka sii xoogaysanaya ee ka socda dalka Itoobiya.

Waxa muddo ku dhaw laba todobaad socda dagaal xoogan oo u dhexeeya Xukuumada Federaalka Itoobiya iyo gobolka Tigreey-ga kaas oo si weyn looga qayliyay adduunka.

Faysal Cali waraabo oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Maanta waxa aan in aan ka idhaahdo wixii inagag haboon qaska iyo dagaalka ka socda dalka aan jaarka nahay ee Itoobiya”.

“Waxa muuqata in uu dagaalku noqday mid fidid doonaa oo aan ku ekaan doonin woqooyiga Itoobiya gaar ahaan deegaanka Tigrey-ga sida uu sheegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee Aby Axmed”.

“Dagaalkaas hadii aan la xakamayn oo aan la joojin inta la dhawyahay, geeska oo dhan saamayn ayuu ku yeelan doonaa”.

“Markaas Inaga oo ah Jamhuuriyada Somaliland oo geeska kaga taala meel Muhiim ah waa in aan mawqifkeena sheegno, tallo waxa aan haynano sheegno”.

“Markaas waxa aan leenahay hadii aanu nahay Xisbiga UCID, Xabbaduu ha joogsato, Caqligu ha shaqeeyo, anaga oo tix raacayna baaqyada uu adduunku u soo jeediyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, anaguna waxa aan leenahay Ra’iisal wasaare Isma qabtaan, waxa aan helay biladii Nabada iyo dagaal ayaan ku qaadayaa dad ka mid ah dadkayga oo aan leeyahay qasab isku dhiiba wax suurtagal ah ma ahan”.

“Waxa aan leenahay caqligu ha shaqeeyo, ha la bilaabo wadahadal, weerarkana ha la joojiyo, baaqyada lagu soo dirayo Somaliland-na ku jirto dhagahaaga ha u furmaan”.

“Shacabka Somaliland iyo Dawlada Somaliland waxa aan leenahay waa in aynu u diyaar garawno arintan, qoxoontiguudu wuu ina soo gaadhi doonaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*