Itoobiya Oo Bilowday Hawl-galkii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhanka Ahaa Gobolka Tigray

Hogaamiyaha Itoobiya ayaa ka digay in “hawlgalkii ugu dambeeyay uguna muhiimsan” ee militariga dhawaan la bilaabi doono si loo soo afjaro Kacdoonka waqooyiga gobolka Tigray.

Raiisel wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in seddex maalmood oo loo qabtay in ay is dhiibaan ay dhamaatay taas oo wadada u xaartay ay ciidamada Itoobiya qaadaan Weerarkii ugu dambeeyay ee magaalada Mekelle caasimada gobolka.

“Seddexdii maalmood ee ugu dambeysay ee la siiyay Ciidamada Gaarka ah ee Tigreega iyo maleeshiyada inay isku soo dhiibaan ciidamada qaranka waxa ay dhamaatay maanta”ayuu Abiy ku yiri hadal uu soo dhigay Facebook

“Talaabada ugu dambeysa ee sharci fulinta waxaa la qaadi doonaa maalmaha soo socda.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*