Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Meelo Muhiim Ah Ka Qabsatay Tigrey-ga.

Xukuumada Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay qabsatay Gobolo ka tirsan Tigery kadib weeraro culus oo ay ku qaadeen ciidamada Tigery-ga.

Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeed ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Dowladda ayaa sheegtay in xooggagii kula dagaalamayay magaalooyiinkaasi “ay is dhiibeen”.

Hasa yeeshee, sheegashadaasi ma jirto cid madaxbanaan oo xaqiijin karta, maadaama isgaadhsiinta iyo internet-ka gobolkaasi uu toddobaadkii labaad uu go’an yahay.

Horraantii toddobaadkan ciidamada dowladda dhexe waxay la wareegeen magaalooyiinka Shire iyo Raya.

Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamadiisa ay imika kus ii siqayaan caasimadda Tigrey ee, Mekelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*