Itoobiya & Somaliland Oo Ka Wada Shqaynaya Xoojinta La Dagaalnka Dambiyada Ka Gacancisga Duurjoogta.

Kulan heer sare ah oo ujeedadiisu tahay la dagaalanka dambiyada duurjoogta & ka ganacsiga haramcadka ayaa ka bilaabmay magaalada jigjiga ee xarunta maamulka soomaalida itoobiya shalay.

Wufuud ka socota Somaliland, is maamulka Somalida iyo saraakiil ka socota dawladda federaalka ee Itoobiya ayaa goobjoog ka ahaa kulanka.

Labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan macnaha lagu abuurayo iskaashi adag oo ka dhan ah la dagaalanka ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta oo ku baahay aagagga xadka.

Kulankan labada maalmood soconaya, ayaa la filayaa inay labada dhinac ka soo saaraan awaamiir la doonayo in lagaga hor tago tahriibka duurjoogta ee Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Duurjoogta Somaliland ayaa waxaa soo food saartay khatar dabar go ’ah oo kaga imaanaysa ganacsiga sharci darada ah iyo ugaarsatada oo ku baahsan Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*