Madaxwyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Cafis U Fidinaya Mulkiilaha Astaan TV

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu Cafis u fidinayo Mulkiilaha Telefiishanka Astan Cabdimanaan Yuusuf, kaasi oo Saddexdii bilood ee u dambeeyay ku xidhnaa Hargeysa.

Ilo wareedyo ku dhaw madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in uu Madaxweynuhu la kulmay qaar ka mid ah Qoyska Milkiilaha Astaan Cable iyo waliba masuuliyiin is xil qaabay kuwaas oo madaxweynaha ka dalbaday in uu xoriyadiisa u soo celiyo Cabdimannaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweynuhu ogolaaday codsigaas isla markaasna la filayo in uu maalmaha soo socda cafis u fidiyo Cabdimannaan.

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeed ayaa laba todobaad ka hor xukun 3 sano ah ku xukuntay iyo waliba lacag ganaax ah sidoo kale lacag ganaax ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*