Midowga Yurub Oo Dingiin Adag U Diray Somaliland & Warbixin Ay Soo Saareen Oo Ay Ku Cambaareeyeen Xukumuumada.

Midowga yurub ayaa si kulul uga hadlay digniina u diray Xukuumada Somaliland kadib markii 6 Qof lagu Fuliyay Xukun Dil ah jeelka Mandera.

Safiirka Somaliland iyo Somaliya u fadhiya Midowga yurub ee Nicolas Berlanga ayaa bogiisa Twitter-ka soo dhigay Fariin ay soo qortay qarmada midoobay.

“Midowga Yurub wuxuu aad uga xunyahay dilkii dhowaan lagu xukumay 6 maxbuus oo ku xirnaa Somalilan, Midowga Yurub waxa uu si aad ah uga soo hor jeedaa Mabda’ ciqaabta dilka ah waxana uu ka soo hor jeedaa adeegsiga ciqaabta dilka ah xaalad walba oo jirta”.

“Ma jirto Cadeymo qasbaya ciqaabta dilka ah ee la adeegsaday, mana jirto wax ka fiican xabsiga in lagu soco khaladaadka laga galo sharciga”.

“kontonkii sano ee la soo dhaafay, in ka badan saddex-meelood laba meel oo ka mid ah waddammada adduunka waxay noqdeen sharci-yaqaan ku takhasusay sharciga, Midowga Yurub wuu sii wadi doonaa, isagoo taageeraya isbeddelka guud ee ku aaddan ciribtirka ciqaabta dilka”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*