Qaraxii 2-aad Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho 24 Saac Gudohood.

Qarax ayaa saaka lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwo nabad ilaalinta u jooga dalka Somaliya gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho.

Qarax loo maleynayo inuu yahay miino wadada dhinaceeda lagu aaso ayaa lala eegtay kolonyo ciidan oo AMISOM ah kuwaas oo marayay agagaarka isgoyska Fagah ee Muqdisho.

Kadib markii uu qaraxu dhacay waxa la maqlay is dhaafsiga xabado ka dhacay goobtii uu qaraxu ka dhacay ee ay marayeen ciidamada AMISOM.

Qaraxa iyo weerarka ka dambeeyay ayaa la sheegayaa in ay ka dhasheen khasaare aan la shaacin sida ay sheegayaan wararka maxaliga ah.

Qaraxan ayaa ah midkii 2-aad ee ka dhaca caasimada Somaliya 24 saac gudohood kadib qaraxii ka dhacay shalay galabtii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*