Somaliland Oo Sheegtay In Ay Muwaadiniin Ka Soo Samata Bixisay Gobolka Tigery Ee Uu Dagaalka Ka Socdo.

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay si guul leh Muwaadiniin Somaliland ah uga soo daad-guraysay gobolka dagaalku ka socode ee Itoobiya ee Tigery-ga sida uu xaqiijiyay Safiir ku xigeenka Somaliland ee Ethiopia.

Barkhad Mohamoud Kaariye oo ah Safiir ku xigeenka Somaliland ee Ethiopia oo u waramaya TV-ga HCTV ayaa sheegay in ay dalka Tigrey-ga ka keeneen Muwaadiniin Somaliland ah.

Barkhad Mohamoud Kaariye oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Markii uu dagaalku ka bilowday Woqooyiga Itoobiya Somaliland waxa ay isku xil saartay in aan u Guntano Sidii muwaadinta Somaliland oo Arday u badnaa aan uga soo saari lahayn Gobolka Tigrey-ga”.

“Markii uu dagaalku bilowday waxa aan la xidhiidhnay wasaarada waxbarashada Dawlada Federaalka Itoobiya anaga oo u marayna Wasaarada Arimaha Dibada ka hor inta aanan Iskaashi la samayn haayadaha caalamiga ah ee hawshan ku shaqada leh sida qarmada Midoobay waxana aan labadii todobaad ee la soo dhaafay ka shaqaynay sidi ardaydaas loogu hubsan lahaan meeshii ay ku amaan helayaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*