U Gaar Ah Ragga: Waa Maxay Sababta Raggu Uga Fikiraan In Ay Mar Kale Guursadaan Marka Ay Gaadhaan Da’da 40 Sano Jirka.

Ragga qaar marka ay gaadhaan da’da 40 sano jira waxa ay dareemaan dareen ka taab leh kaas oo inta badan ay sabab u tahay baqdinta marxalada uu ku jiro.

Waxa laga yaabaa in uu dareemo in ay da’diisu ka sii baxayso farihiisa waxana uu si lama filaan ah is badal ugu samaynayaa noloshiisa waxana uu go’aansanayaa in uu mar kale guursado.

Hadaba waa Maxay sababta ay Ragga Qaar u guursadaan marka ay gaadhaan da’da 40 Sano jirka?

Marka uu Ninku gaadho da’da 40 sano jirka ee uu waliba guursaday isaga oo da’ yar ah waxa uu doonayaa in uu mar kale dadka ka ag dhaw u muujiyo in uu wali yahay Nin yar waliba leeyahay quruxdii iyo soo jiidashadii uu ku soo jiidan jiray Gabdhaha.

Sidaas darteed Ninka ayaa wakhtigaas bilaabaya in uu la dagaalo da’da 40 jirka si uu u muujiyo awoodiisa dhanka dumarka.

Inkasta oo da’da 40 jirku tahay da’da ay Raggu sida Rasmiga ah ugu qaan-gaaraan marka loo eego khibrada uu nolosha ka leeyahay hadana waxa uu doonayaa in uu mar kale muujiyo awoodiisa Ragganimo ee dhanka dumarka waxana uu bilaabayaa in uu ka fikiro in uu mar kale guursado waliba gabadh ka yar guursado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*