Ugu Yaraan 8 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Gantaalo Ah Oo Lagu Qaaday Caasimada Afghanistan Ee Kabul

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay weerar gantaal ah oo lagu garaacay qaybo ka mid ah caasimada Afghanistan ee Kabul kaas oo ah weerarkii ugu dambeeyay ee ugu weynaa ee caasimada Afghanistan.

Weerarka ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah bartamaha iyo woqooyiga Kabul gaar ahaan agagaarka meelaha ay ku badanyihiin safaaradaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

Safaaradda Iiraan ayaa ku sheegtay barteeda Twitter-ka in dhismaheeda ugu weyn ay ku dhacday jajab gantaallo ah iyaga oo sheegay in ayna jirin cid ku sugnayd safaarada markii weerarku dhacay.

Afayeenka wasaarada arimaha gudaha Tariq Arian ayaa eedeyn dusha uga tuuray Taalibaan, asaga oo yiri “argagixisadu waxa ay soo rideen ugu yaraan 23 gantaal”.

“Sida lagu helay warbixinta hordhaca ah waxa geeriyooday 8 qof halka ay 31 kale dhaawacmeen”ayuu Arian yidhi laakiin waxa uu sheegay in ay tiradu is badali karto.

Laakiin Taalibaan ayaa beenisay masuuliyada, waxayna sheegtay in “si indho la’aan ah aysan wax rasaas ah ugu ridan goobaha dadweynaha”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*