Waa Maxay Faa’iido Darooyinka Guurka Kadib Da’da 40 Sano Jirka?

Waxa aan horay idiinku soo bandhignay faa’iidooyinka guurka kadib marka la gaadho da’da 40 sano jirka taas oo leh faa’iidooyin badan oo u fiican labada qof hadii ay tahay Ragg ama dumar.

Hadaba waxa ay sidoo kale leedahay faa’iido daro guurka la guursado kadib da’da 40 sano jirka hadii ay tahay Ragga ama dumarka.

Waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 2 faa’iido daro oo ay leedahay guurka la guursado kadib marka la dhaafo da’da 40 sano jirka.

1.Yaraanta Fursadaha Dhalista Ubadka:

Inkasta oo uu Illahay hayo ubadka wakhtiga uu doonana siin karo ubad qofka uu doono da’da uu doono ka ahaadee, inkasta oo ay sax tahay dhanka cilmiga in ay Dumarku Ubad dhali karaan kadib da’da 40 jirka hadana waxa jirta fursad weyn oo ayna gabadhu ubad ku dhali karin da’da 40 sano jirka.

2.Qaadashada Go’aan deg-deg ah:

Waxa dhici karta Ragga ama dumarka ka weyn da’da 40 sano jirka in ay ku deg-degaan guurka sabab la xidhiidha in ay ka fikirayaan in ay sii weynaanayaan waliba ay tahay wakhtigii ay yeelan lahaayeen lamaane iyo aqal sidaas darteed waxa ay samaynayaan go’aan deg-deg ah yaga oo aan meelo badan ka fiirin qofka ay nolosha la wadaagayaan taas oo keeni karta in uuna guurkoodu noqon mid guulaysta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*