Waa Maxay Faa’iidooyinka Guurka Kadib Da’da 40 Jirka?

Waxa jira faa’iidooyin iyo faa’iido darooyin badan oo ay leedahay in uu qofku guursado kadib da’da 40 jirka.

Hadaba waxa aan maanta qaybta hore ku soo bandhigi doonaa faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee ay leedahay in uu qofku will iyo gabadh-ba guursado kadib da’da 4-ka.

1.Qaan-Gaar:

Faa’iidooyinka ugu horeeya ee guurka kadib da’da 40 sano jirka ah ayaa ah in gabadha ama Ninku noqonayaan kuwo qaan-gaar ah taas oo guurka ka dhigaysa mid fiican guul-na ku dhisnaanaya.

2.Khilaaf La’aanta Guurka:

Faa’iidada guurka 40 jirka kadib waa mid uu khilaafku ku yaraanayo labada qof ee is qaba iyada oo uuna jiri doonin khilaaf iyo is faham la’aan soo kala dhex gashay taas oo xoojinaysa daganaanta labada qof.

3.Farxad:

Guurka kadib da’da 40 jirka ah waxa ka mid ah farxad guud oo ay labada qof dareemayaan waxana ay mar walba u dadaalayaan in ay helaan farxad guud sababta oo ah waxa ay si fiican u garanayaan qiimaha wakkhtiga.

4.Daganaanta Nolosha Guurka:

Guurka qofka e 40 jirka kadib waxa ka mid ah daganaanta nolosha guurka waan arin iska dabiici ah marka loo eego in ay noloshooda ka maqnaan doonto khilaafka iyo is faham la’aanta taas oo keenaysa daganaan dhanka nolosha guurkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*