Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliya Oo Beenisay Warbixin Ku Saabsan Itoobiya Oo Dhex Socotay Baraha Bulshada.

Xukuumada Soomaaliya ayaa beenisay inay soo saartay wax war ah oo ku saabsan xaaladda Itoobiya.

Qoraal la sheegay in wasaarada arimaha dibada lagu faafiyay oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay walaac ka muujisay howlgalada ka socda gobolka Tigray.

Isaga oo diidaya qoraalka, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cawad Ciise Axmed ayaa sheegay in wasaaraddu aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan xaaladda Itoobiya.

“Si aan u kala cadayno arintan ma jirto, warbixin Rasmi ah oo ka soo baxday wasaarada Arimaha dibadda oo ku saabsan xaalada Itoobiya”ayay wasaaradu ku soo saartay warbixin.

“Warbixinta la isla dhexmarayo baraha bulshada kama turjumayso aragtida Xukuumada Somaliya sidaas darteed waxba kama jiraan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*