XASAASI: Somaliland Oo Dalka Ka Caydhisay Laba Lamaane Oo Somali Ah Oo Is Qaba Kuwaas Oo Diinta Kiristanka Ku Faafinayay Dalka & Faah-Faahinta Xogtaas

Dawlada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay dalka Ma Masaafurisay laba Lamaane oo Is Qaba Waliba Somali ah kuwaas oo Lagu Eedeeyay In Ay Diinta Kiristanka Ku Faafinayeen Somaliland.

Labada Labada Lamaane ee Is Qaba ayay ciidanka amaanka Somaliland Xabsiga dhigeen 21 bishan Kadib markii Gurigooda laga helay warqado qoraal ah oo ku saabsan Diinta Kiristanka.

Labada Lamaane ayaa dhawr mar la hor geeyay maxkamada Magaalada Hargaoiesa ka hor intii aan labada qofba loo mastaafurin magaalada Muqdisho caasimada Somaliya oo uu Ninku ka soo jeedo halka ay Gabadhu ka soo jeeday Somaliland.

Masuuliyiin ka socday wadamada reer galbeedka ayaa la sheegayaa in ay Somaliland ka dalbadeen in si deg-deg ah loo sii daayo iyada oo Xukuumada Somaliland markii hore diiday ka hor inta ayna labadoodaba dalka ka mastaafurin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*