Fariimo Jacayl Oo Cajiib Ah Oo Aad Ku Xadi Karto Qalbiga Jacaylkaaga.

Ku muujinta jacaylkaaga farriimaha jacayl mar walba waa wax khaas ah, Waxana ay si weyn uga farxin doontaa gabadha ama Ninka aad u dirayso.

Qeexida sida aad u jeceshahay qof waa calaamad macno leh oo Romantic ah taas oo keenaysa in uu qofka aad u dirtay dago qalbigaaga.

Hadaba Kadib codsi Akhristayaasheena ka yimid waxa aan idiin soo bandhignay fariimo cusub oo jacayl ah oo aad ku xadi karto qalbiga qofka aad jeceshahay.

  • Waxaan rabaa inaan kula joogo marwalba iyo weligay, Ma jiro wax adduunka ah oo kaa badali kara qalbigayga, waan ku jecelahay manta, maalin walba iyo waligay.
  • Hadii ay jirto wax aan adduunka ka cabsi qaba, waa in aan adiga ku waayo, waxa aan kuu jecelahay si aad ah oo aanan awoodin in aan ku waayo.
  • Waxa aad noloshayga u rogtay safar jacayl iyo farxad, daqiiqad walba oo aan kula joogo waxa aan kuu sii jeclaadaa si ka badan intii hore.
  • Wax walba oo dhaca, wax walba oo aad samaysay, wax walba oo aad samayn doonto mar walba waan ku jecelahay.
  • Waxa aan doonayaa in aad noloshayga ka mid ahaato, maanta, bari iyo Abid.
  • Ma garan kartid sida aan ugu mahadiyo Illaahay in aad noloshayda ku soo biirtay, waxa aan macno cusub siisay Noloshayda, waan ku jecelahay.
  • Waxa aan doonayaa in aan noqdo wax walba oo farxad ku keena wajigaaga iyo qalbigaaga, waxa aan doonayaa in aan kuu jeclaado si uuna qof abid u jeclaan qof kale.
  • Mar walba oo aan indhahaaga eego waxa aad dhalaalisaa qalbigayga, waxana aan mar kale kuu jeclaadaa dib, waan jecelahay in aan adiga ku jecelahay.
  • Waxa aan magacaaga ku qoray Cirka Laakiin waxa masaxay Daruuraha, waxa aan magacaaba ku qoray Ciida laakiin waxa masaxay dabaylaha, ugu dambayn waxa aan magacaaba ku qoray qalbigayga Abid-na halkaas ayuu ku qornaan doonaa.
  • Waxa aan wax jeclaaday marar badan noloshayda laakiin mar walba qofka aan jeclaaday waa adiga.
  • Adiga waxa laga yaabaa in aan kuu ahay hal qof laakiin aniga waxa aad ii tahay adduunka oo dhan.
  • Jacaylkaagu waa waxa Iga dhigay qof nool oo waliba dhamaystiran, waan ku jecelahay.
  • Waxa aan ugu jecelahay ayaa ah in aan maalinta kula bilowdo adiga isla markaasna kula dhamaysto adiga.
  • Waxa aan ku lumay jacaylkaaga, taas oo keentay in aanan garanayn kalmaha saxda ah ee aan ku qeexo waxa aan kuu daremayo adiga, ma jirto kalmado aan ku qeexi karo jacaylka aan kuu qabo.
  • Ma jirto wax la bar-bar dhigo farxad aan dareemay markii aad noloshayga ku soo biirtay, waan ku jecelahay.
  • Maadama uu Aadamuhu noolaan karin Hawo la’aan, aniguna ma noolaan karo adiga la’aantaa, waan ku jeclaan doonaa ilaa maalinta aan ka dhimanayo.
  • Jacaylkaagu run ahaantii waa hadiyad qaali ah oo aad i siisay, kama fikiri karo qof kale oo ii jeclaan kara sida aad ii jeceshahay.
  • Jacaylka aan kuu qabo waxa uu ka dheeryahay Bad weynta, waxa uu ka balaadhanyahay cidka mana jiro qof qiyaasi kara laakiin adigu waad ogtahay sida aan kuu jecelahay.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*