Fariimo Qiimo Leh Oo Jacayl Ah, Hadda U Dir Jaceyl-kaaga

Narka laga hadlayo jacaylka wax qarsoodi ah ma ahan in aad doorato kalmadaha saxda iyo in aad qofka aad jeceshahay u abuurto fariin diiran oo Romantic ah iyo walibain aad qofka aad jeceshahay u soo bandhigto sida aad u danaynayso.

Way adagtahay in kalmado lagu qeexo jacaylka laakiin waa wax fiican in aad ugu yaraan qofka aad jeceshahay afka uga sheegto waxa aad dareemayso.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Fariimo Cajiib ah oo aad u diri karto qofka aad jeceshahay:

  • Hadii aan Nolosha ku siin lahaa Hal arin, waxa aan ku siin lahaa awooda aad indhahaaga ugu arki karto qalbigayga dhexdiisa si aad u ogaato sida aad khaaskiga iigu tahay aniga.
  • Bad weyn dad ah hadii aan arko indhahaygu waxa ay kaliya raadiyaan adiga.
  • Maxaan ka fikiri jiray ka hor intii aanan adiga ku arkin?
  • Hadii jacaylka aan ku jecelahay tahay shaqo, waxa aan noqon lahaa qofka sida aadka ah ugu qalma, xitaa waxa aan u shaqayn lahaa si lacag la’aan ah.
  • Hadii uu qof i waydiin laha in aan laba kalmad kugu qeexo kaliya waxa aan odhan lahaa “Cajiib Ayaad Tahay”.
  • Waxa aad qabataa milyan shay oo noloshayda farxad u keena.
  • Kaliya waxa jira laba wakhti oo aan doonayo in aan kula joogo: Haatan iyo Abid.
  • Kalmadaha sheekada jacaylka aan kuu qabo ayaa ah”Ma sawiran karo nolosha adiga la’aantaa”.
  • Waxa aan ku jecelahay in ka badan intii aan ku jeclaa shalay.
  • Marka kaliya ee aan si la yaab leh ula qoslay Telefoonkayga ayaa ah markii aan helay fariintaada.
  • Waxa aad tahay waxa ugu dambeeya ee aan ka fikiro ka hor inta aanan seexan iyo waxa ugu horeeya ee aan ka fikiro marka aan soo koco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*