Farriimaha Qoraalka Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Karto Qofka Aad Jeceshahay.

In aad qofka aad jeceshahay ku tidhaahdo waan ku jecelahay waa mid muhiim ah laakiin ayna dadkeenu inta badan liiska ku darsan in ay muhiim tahay sida aad qofka aad jeceshahay ugu tidhaahdo waan ku jecelahay.

Kaliya in aad ku tidhaahdo waan ku jecelahay way fiicantahay laakiin waxa ka sii fiican in aad yeelato hal abuur si ay fariintaadu u nooqto mid dadaal la galiyay.

Hadii aad doonayso kalmado aad isticmaasho oo uu qofka aad jeceshahay kugu xasuusto waxa aan halkan kuugu soo bandhigaynaa fariimaha ugu fiican.

Marka ugu horaysa ee aad waan ku jecelahay ku tidhaahdo qofka aad jeceshahay mar walba waxay leedahay macno gaar ah laakiin doorashada kalmahadaha munaasibka ah ayaa macno weyn u sii sameeya.

  • Waxa aan ku raaxaystay wakhti walba oo aan ilaa haatan kula qaatay, ma sugi karo in aan kula sameeyo xasuuso kale adiga.
  • Waan Farxaa mar walba oo aan adiga fariin kaa helo.
  • Mar walba waxa aan kaa fikirayaa adiga, waxa aan rajaynayaa in ad wakhti fiican ku jirto.
  • Waxa aan ku faraxsanahay in aan wakhti kale kula qaato.
  • Ma sawiran karo noloshayga oo aanad adigu ku jirin, waan ku faraxsanahay in aan kula kulmay.
  • Waxa kaliya ee aan doonayo in aan kuu sheego ayaa ah in aad mar walba maskaxdayda ku jirtid.
  • Waan qiimeeyaa daqiiqad kasta oo aan kula qaato adiga.
  • Miyaad ogtahay in uu adduunku yahay mid fiican marka aad adigu joogtid.
  • Marna kuma waydiisan doono wax ka badan waxa aad isiisay sababta oo ah waxa waxa kaliya ee aan u baahanahay.
  • Tan ilaa markii aan kula kulmay waligay ma dareemin farxad ka badan mid aan hada dareemayo.
  • Mar walba oo aan adiga ku arko, ma rumaysan karo sida aan nasiibka u leeyahay in aan kula kulmay.
  • ma ka fikirtay sida aan nasiibka u lahayn in aan kulanay wakhtiga saxda ah? waan ku faraxsanahay in aan kulanay.
  • Waxa aad tahay adduunkayga iyo wax ka badan,
  • Aniga waxa aad ii tahay wax walba.
  • Mar walba oo aan wakhti kula qaato waxa aan rumaystaa sida aanan u sawiran karin noloshayda adiga la’aantaa.
  • Xitaa haidi aanan mar walba odhan, waxa aad ogaataa in aan mar walba ku jecelahay.
  • Waxa aan rajaynayaa in aad ogtahay sida aad khaaska iigu tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*