U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Ay Dumarku Ku Necebyihiin Ragga, Ku Dadaal In Aad Ka Fogaato.

Marka uu ninku xidhiidh la sameeyo gabadh waxa jira waxyaabo caan ah oo ay Dumarku ku necebyihiin Ragga taas oo ay Raggu sameeyaan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5 arin oo caan ah oo ay Dumarku ku necebyihiin ragga taas oo keeni karta in uu xumaado xidhiidhkoodu.

1.Balanqaadyo Been Ah:

Hadii aad Ninow gacalisadaada u qabato balan oo aad ka soo bixi waydo waa waxa ugu horeeya ee bur-burin kara xidhiidhka aad la leedahay gabadhaas sidaas darteed iska ilaali in aad qabato balan aanad ka soo bixi karin xidhiidhkaaga uma fiicna.

2.Masayr xad dhaaf ah:

Sida caadiga ah dumarka ayaa jecel in gacaliyeheedu ka masayro si ay u dareento sida ay qaaliga uga tahay agtiisa laakiin hadii aad muujiso masayr xad dhaaf ah waxa ay ka mid tahay waxyaabaha keeni kara in ay Gabadhaas ku nacdo waliba xidhiidhkiidun bur-buro sidaas darteed ka feejignow masayrka badan ee xad dhaafka ah.

3.Dareensiin la’aan:

Gabadha ku jecel ayaa laga yaabaa in ay kaa cafiso khalad walba oo aad gasho laakiin Dumarka ayaa aad u neceb in ay heli waayaan dareenka gacaliyeheeda waxana ay u arkaan mid dambi ah hadii ay waydo dareenka gacaliyeheeda.

Sida caadada ah dumarka ayaa jecel in ay is badal ku sameeyaan noloshooda tusale ahaan in ay soo iibsato dhar aanad horay ugu arag waxana ay jeceshahay in aad ka fal celiso hadii aad u fiirsan waydo oo aad wax dan ah ka gali waydo waxa ay dareemaysaa in aanad wax dan ah ka lahayn taasna waxa ay keenaysaa dhibaato xihdiidhkiina ah sidaas darteed iska ilaali dareen la’aanta gacalisadaada.

4.Bakhiilnimada:

Ma jiro xidhiidh aanay labada qof wax isku hurin.

Dumarka ayaan inta badan xidhiidh la smaayn Ragga Bakhaylka ah sidaas darteed waa in uu jeebkaagu furnaado hadii aad doonayso in aan xidhiidh guul gaadho la samayso gabadh.

5.Go’aan la’aan:

Qodobkan ayaa keena niyad jab iyo waliba lumista fursadaha.

hadii uuna Ninku go’aamin karin waxa uu dareemayo waliba uuna talaabo qaadi karin waxa ay gabadha ku dhalinaysaa in uuna Ninku ahayn mid amaan ah.

Waxa ay gabadh walba jeceshahay ninka naftiisa ku kalsoon ee qaadan kara go’aanada muhiimka u ah Nolosha waxana ay keentaa in ay jeclaato Ninkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*