U Gaar Ah Ragga: 7 Sir Oo Ay Kuu Sheegayso Gabadhu Kaliya Hadii Ay Ku Jeceshahay.

Inta badan waxaad isweydiisa in gabadhu ku jeceshahay taas oo keenta in aad dareento wal-wal sidoo kale maskaxdaada dhex marto su’aalo badan oo ku saabsan hadii ay si dhab ah kuu jeceshahay.

Hadaba waxa aan halkan kuu soo bandhigi doonaa calaamado aad ku ogaan karto hadii ay gabadhu si dhab ah kuu jeceshahay kana mid yihiin in ay kuu sheegto siro ku saabsan nolosheeda.

1.In Ay Kuu Sheegto Dhibaatooyinkeeda shaqsiga ah ama ciladeheeda gaarka ah:

Inta badan dumarka ayaan sheegin ciladohooda waxana ay isku dayaan in ay qariyaan waliba ayna cidna u sheegin laakiin hadii ay si dhab ah kuu jeceshahay waxa ay kuu sheegaysaa waxyaabihii ay ku fashilantay ama waxyaabaha ayna ku fiicnayn.

2.Waxa ay kula socondsiin doontaa xidhiidhyadeedii hore:

Ma jirto gabadh ka hadhasha xidhiidhyadeedii hore hadii ay dareemayso in lagu qoslo laakiin hadii ay gabadhu ku jeceshahay waxa ay si furan kaaga hadlaysaa xidhiidhkeedii hore gaar ahaan marka aad waydiiso.

3.Waxay kuu sheegi doontaa waxa ku saabsan dhaqaalaheeda.

Qodobkan ayaa ah midka ugu adag ee ay Gabadh samayso, waana in ay qof kale u sheegto xalaadeeda dhaqaale, qaar ka mid ah dumarka ayaa dhimasho ka xiga in ay xaaladeeda dhaqaale u sheegtoqof kale laakiin marka ay gabadhu si dhab ah kuu jeceshahay waxa ay si daacad ah kuugu sheegaysaa xaaladeeda dhaqaale xitaa hadii ay xuntahay.

4.Waxa ay Kula socodsiinaysaa xiiseheeda iyo wakhtiyadii ugu xumaa Nolosheeda:

Wakhtigan waxay dib u soo celinaysaa xasuustii fiicnayd iyo midi xumayd hadii ay arintan kuu sheegto waxa ay muujinaysaa in ay si dhab ah kuu jeceshahay.

5.Waxay kuu sheegi doontaa khaladaadkaaga:

Gabadhu marka ay ku jeceshahay kaliya ayay kuu sheegaysaa khaladkaaga maadama ay doonayso in ay mustaqbal kula dhisto waana arin calaamad u ah jacaylka ay kuu qabto.

6.Waxa ay kuu sheegaysaa waxa ay aadka uga cabsato:

Gabadhu waxaa laga yaabaa inaysan kula wadaagin welwelkeeda iyo cabsideeda si ay uga fogaato in ay agtaada ka noqoto qof dal-dalool leh laakiin marka ay gabadhu si dhab ah kuu jeceshahay waxa ay kugu aaminaysaa in ay ku sheegto cabsideeda gaarka ah.

7.Waxay kaala hadli doontaa qoyskeeda.

Gabdho badan ayaa qoysaskooda ka qariya qofka ay xidhiidhka kula jiraan maadama ayna ogayn meesha uu ku dhamaan doono xidhiidhkan laakiin marka ay Gabadhu si dhab ah kuu jeceshahay waxa ay kaala hadli doontaa qoyskeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*