U Gaar Ah Ragga: Sababaha Ay Isku Adkeeyaan Dumarka Marka Aad Xidhiidh U Soo Bandhigto, Qodobka 1-aad Ka Fiirso.

Waligaa ma isku aragtay adiga oo isku dayaya in aad ogaato meesha aad ka joogto qalbiga gabadh aad ka heshay xilli aad doonayso in aad ku guulaysato qalbigeeeda.

Dumarka wakhti xaadirkan ayaa ayaa ciyaar maskaxeed ciyaara iyada oo isku adkaynaysa Ninka marka uu xidhiidh u soo bandhi xitaa hadii ay u muuqato mid kaa heshay.

Hadii aad gabadh jeceshahay waliba aad doonayso in aad xidhiidh la samayso oo ay isku kaa adkayso ha niyad jabin isla markaba laakiin baadh sababaha ay isku adkaynayso.

Hadaba waxa aan halkan kuugus oo bandhigi doonaa 3 sabab oo ay Gabadhu isku adkayn karto marka aad xidhiidh u soo bandhigto.

1.In Ay Xidhiidh Kula jirto Qof Adiga kaa fiican sidaas darteed ayna wax xiiso ah kuu hayn:

Dumarka qaar ayaa isku kaa adkaynaya si walba oo aad u farxad galiso waana xaqiiqada jirta.

Qaar ka mid ah dumarka uu mar walba jecel in ay helaan dareenka ayaa laga yaabaa in ayna kuu sheegin sababta ayna wax xiiso ah kuu qabin waxana ay samaynaysaa in aad in badan ka dul wareegto

qodobka ugu muhiimsan ee ay tahay in aad baadho waliba ogaato ayaa ah in ay gabadhu xidhiidh kale kula jirto Nin adiga kaa fiican sidaas darteed ayna adiga wax xiiso ah kuu hayn.

2.In Ay Qiyaasayso Sida Uu Xidhiidhku Dhabta Kaaga Yahay:

Dumarka ayaa inta badan ah kuwo aan amaan ahayn dhanka xidhiidhka sidaas darteed kuma deg-degaan jacaylka.

Hadii ay dhacdo in ay Gabadhu isku kaa adkayso waxa ay tijaabinaysaa sida uu xidhiidhku dhabta kaaga yahay hadii ay muddo isku kaa adkayso oo aad ka hadhi waydo waxa ay bilaabaysaa in ay ku aqbasho laakiin hadii aad bilaa samir tahay isla markaba waad ka hadhaysaa.

3.In Aanad Qancin oo Aanad jabin darbiga ku hareeraysan:

Dumarka ayaa jecel in aad si adag u shaqayso oo aad waliba qanciso sidaas darteed waxa ay samaynaysaa in ay isku kaa adkayso si ay u sugto in qanciso waliba samayso waxyaabo xiiso galiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*