6 Faa’iido Oo Uu Leeyahay Jacaylka Dhabta Ah, Warbixin Cajiib Ah.

Jacaylka dhabta ah ayaa leh faa’iidooyinkiisa; waa mid khaas ah, mid dhab ah, jacaylka dhabta ah ayaana ah mid uu qof walba raadinayo.

Jacaylku waa dareen wanaagsan laakiin in aad si dhab ah qof u jeclaato iyo in adiga si dhab ah laguu jeclaado ayaa ah mid ka sii fiican waana dareen aan caadi ahayn oo ayna jirin kalmado lagu sharixi karo.

Hadii aad waligaa dareentay jacayl dhb ah waxa aad fahm doontaa macnaha dhabta ah ee jacaylka.

Hadaba halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 6 faa’iido oo uu leeyahay jacaylku.

1.Farxad:

Jacaylka dhabta ah ayaa keena farxad aad u weyn waxana aad mar walba dareemaysaa farxad xitaa hadii aanad ku jirin wakhti fiican.

Jacaylka ayaa wax walba oo qalbigaaga ku jira dhibaato iyo wal-wal u badalay farxad aan dhamaad lahayn.

2.Raaxo:

Xaqiiqada ah in aad qof jeceshahay adigana qofkaas ku jecelyahay ayaa ah mid raaxo ku siinaysa, marka ay laab qof si dhab ah isku jecelyihiin, waxa ay dareemayaan in uuna qofka kale dayici doonin waliba mar walba garab taaganyahay.

3.Jacaylka Dhabta Ah Waxa Uu Keenaa Kalsooni Aad Ku Qabto Naftaada:

Xaqiiqada ah in aad jeceshahay qof waliba qofkaas ku jecelyahay ayaa ku siinaysa kalsooni aad u qabto naftaad waliba ku dareensiinaysa in lagu qiimeeyo, marka uu qof ku jecelyahay waxa ay la macno tahay in uu qofkaas ku qiimanayo waliba ku Ixtiraamayo waliba aad tahay qof khaas ah.

4.Jacaylka Dhabta Ah Waxa Uu Keeni Karaa In Aad Nolol Dheer Ku Noolaato:

Inkasta oo uu Illahay hayo dhimashada iyo Nolosha, Hadan marka uu qofku dareemo farxad kalsooni iyo raaxo waxa meesha ka baxaya wel-wel-ka nolosha maadama wal-walku sabab u noqdo xanuuno badan oo sababi kara dhimasho deg-deg ah.

5.Jacaylka Dhabta Ah Waxa Uu Soo Saaraa Quruxda Qofka:

Marka aad si dhab ah u jeceshahay qof sidoo kale qofkaas ku jecelyahay waxa kaa dagaya culays badan wal-wal, kalinimo taas oo keeni karta in ay quruxdaada qariso laakiin marka uu qofku jacayl dhab ah haysto waxa mar walba wajihiisa ka muuqda farxad, faraxaduna waxa ay kor u qaadaa quruxda qofka.

6.Jacaylka Dhabta Ah Waxa Uu Keenaa Deganaanta Qalbiga:

Marka ay labada qof si dhab ah isku jecelyihiin mar jirto cabsi uu midba midka kale ka qabo dhanka in uu khiyaameeyo ama uu been sheego.

Jacaylka dhabta ah ayaa keenaya in aad ku noolaato degenaan dhanka maskaxda ah maadama aad si aad ah ugu kalsoontahay qofka aad jeceshahay.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*