Fariimo Jacayl: Fariimaha Romantic Ah Ee Ugu Fiican, U Dir Qofka Aad Jeceshahay.

Ma doonaysaa fariimo jacayl oo cajiib ah? ma doonaysaa fariimo aad u dirto qofka aad jeceshahay, halkan kaga bogo fariimo cajiib ah oo aad dareenkaaga ugu cabiri karto qofka aad jeceshahay.

Haatan waa wakhtiga ugu haboon ee aad fariimahan qofk aad jeceshahay ugu muujin karto jacaylkaaga adiga oo u diraya.

  • Waxa aad ila mid tahay adduunka oo dhan aniga, adiga la’aantaa adduunku macno iima lahan, waxa aan jecelahay in aad maalin walba ila joogto.
  • Qalbigayga waxa aad ka buuxisaa fikirkaaga, adigu waxa aad tahay tufaaxa indhahayga, maqnaantaadu way adagtahay in xamilo, waan ku jecelahay.
  • Maalmo ayaa ina dhaafay tan ilaa maalintii aan ku arkay, way adagtahay in aan u adkaysto maqnaanshahaaga.
  • Waxa laga yaabaa in aad la dhacdo quruxda waxyaabaha ilaahay sameeyay, mar walba xasuunow waad ka mid tahay, waxana aad tahay qof fiican oo cajiib ah, waan ku jecelahay.
  • Marka aad ku eego waxa aan ka fikiraa inta aad ka mid ahayd noloshayda, sida aad khaaska iigu tahay iyo waliba sida aad iiga dhigtay qof faraxsan.
  • Waxa aad tahay qoraxda maalintayda,farxad qalbigayga, iyo farxad noloshayda. Erayadu ma sheegi karaan inta aan ku jeclahay.
  • Adiga ayaa sabab u ah inaan aad u shaqeeyo, si aan kaaga dhigo daqiiqaddaas oo adiga kugu habboon. Waan ku jeclahay.
  • Kulanka aan kulmay ayaa ah waxa ugu fiican ee abid ku dhacay noloshayda, waxa aad tahay waxa aan ka fikiro subaxdii iyo waliba waxa aan ka fikiro ka hor inta aanan seexan.
  • Maalintii aad noloshayda ku soo biirtay ayaa ah maalintii aan kuu doortay boqorada qalbigayda waana maalintii aan ku siiyay qalbigyga.
  • Ma doonayo in aan noqdo qof caan ah waxa kaliya ee aan u baahanahay ayaa in aad adiga ku haysto, waan ku jecelahay.
  • Waxa aan illahay uga mahad celinayaa in aan adiga ku helay, waxa aad tahay Dahabka noloshayda.
  • Mar walba oo aan ku arko waan qoslaa sababta oo ah waxa aad tahay qof qof ku fiican sida aad tahay, waan ku jecelahay.
  • Waan ku jecelahay wax walba oo ka badan adduunka, jacaylka aan kuu qabo ma ahan mid la qiimayn karo.
  • Waxa aad tahay jacaylka Noloshayda.
  • Wax walba oo aan doonayay ayaa ah in aad noloshayga ka qayb ahaato
  • Mar walba oo aan adiga kaa fikiro ay igu adagtahay in aan wax kale diirada saaro.
  • Daqiiqad walba oo aan adiga kula joogo waxa aan kuu sii jeclaanayaa si ka weyn sidii hore.
  • Waxa aan ahaa qof Lunsan oo bilaa rajo ah laakiin haatan waxa ana haystaa ujeedo sababta oo ah jacaylkaaga darteed.
  • Adiga ayaa ah sababta aan mar walba u soo koco aniga oo faraxsan, mar walba waxa aad ku jirtaa maskaxdayda.
  • Kalmado kaliya kuma qeexi karo sida aan kuu jecelahay, waxa aan doonayaa in aan noloshayda kula qaato adiga.
  • Tan ilaa markii aad noloshayda ku soo biirtay qayb walba oo noloshayda ah waxa ay ku dhacday meesha saxda ah.
  • In aad wax jeclaato waa arin cajiib, waxa aan awoodaa in aan riixo buuraha, aad ayaan kuu jecelahay.
  • Waxa aad tahay qofka ugu muhiimsan noloshayda, wax walba oo aan qabto waxa aan u qabtaa mustaqbalkeena, waan ku jecelahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*