Fariimo Jacayl: Fariimo Jacayl Oo Qalbiga U Diirinaya Qofka Aad Jeceshahay.

Marka ay tahay qeexida jacaylka, doorashada kalmado sax ah ayaa ah waxa ugu muhiimsan, wax muhiim ah ma lahan inta aad jeceshahay qof hadii aanad dooran kalmado sax ah.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Liiska kalmado qalbiga diirinaya oo aad u diri kartid qofka aad jeceshahay.

  • Waxa aan u malaynayay in jacaylka Laga Bad-badiyo ilaa maalintii aan adiga ku jeclaadayy, waxa aad badashay wax Walb oo Adduunkayga ah Noloshayda ah.
  • Uma baahni kun sababood si aan khaas u dareemo Kaliya waxaan u baahanahay waa inaad ku noolaato adduunkan. Waxaad tahay qoraxda noloshayda.
  • Jaceylka aan kuu qabo waxba kuma lihi anigu Waa wax walba oo ku saabsan sida aad tahay iyo sida aad farxad ugu keento qof kasta oo hareerahaaga ah.
  • Illahay ayaa ii doortay in aan noqdo lamaanaa Noloshaada, Maadama ayna jirin cid ii fahmaysa sida aad adigu ii fahamto, Waan ku jecelahay, markasta ila joog.
  • Waxa aad i dareensiisay in aan ogaado in uu jacaylku yahay dareenka ugu fiican ee uu qof dareemi karo Waad ku mahadsantahay imaatinka noloshayda. Waan ku jeclahay.
  • Ma qiyaasi karo in aan ka badbaadi karo dhibaatada Noloshada jacaylkaaga la’aantiis iyo taageeradaada, si adag u qabso gacantayda, waan ku jecelahay.
  • Hadii la i waydiiyo in aan kala doorto adiga iyo riyooyinkayga ma garan karo waxa aan samayn doono sababta oo ah in aan kula joogo ayaa ah kaliya riyadayda, waan ku jecelahay.
  • Waxa aad dhoolacadayn ku keenta wajigayga, waxa aad farxad ku keentaa qalbigayga, waxa aan ku faraxsanahay in aad adigu tahay waxa kaliya ee aan ka fikiro maalinta oo dhan, waan ku jecelahay.
  • Waxa ugu fiicna ee jacaylka aan kuu qabo ayaa ah in aan bilaabay ku raaxaysiga Nolosha in ka badan sidii hore waxa aad qalbigayka u keentay sirix, waan ku jecelahay.
  • Xitaa Dhakhtarka ayaa la yaabi doona sida uu qalbigaygu u garaacno si xoogan ama si hoose marka aan kaa fikirayo adiga.
  • Waxa aad iga dhigtaa qof dareen fiican leh, waxa aad iga soo saartaa dareenka ugu quruxda badan kaas oo aan muddo dheer qarinayay.
  • I Rumayso marka aan ku yidhaahdo, jacaylka aan kuu qabo waxa uu ka badan yahay wax walba oo adduunka ah, waxa uu yahay Mid run ah kaas oo aanan xitaa qeexi karin waa wax uu qof walba doonayo.
  • Waan ku jecelahay, waan ku jecelahay waanan ku jeclaan doona Abid.
  • Waxa laga yaabaa in aanan ahayn jacaylkaagii ugu horeeyay laakiin waxa aan doonayaa in aan noqdo wax walba oo kuugu dambeeya.
  • Adduunkaygu waxa uu ahaa mid madhan waliba mugdi ah laakiin markii aan kula kulmay waxa aan si deg-deg ah u dareemay in aan joogo cirka, waan ku jecelahay.
  • Hadii adduunka laga waayo dayaxa iyo xiddigaha hadana adiga ayaa iftiin u ah adduunkayga, waan ku jecelahay.
  • Ma jiro qof dhamaystiran laakiin adiga ayaa ah qof u dhaw dhamaystirni.
  • Waan ku jecelahay in ka badan intii shalay laakiin waxa aan in ka badan ku jeclaan doonaa maalinta bari ah.
  • Waxa aan soo kacaa mar walba aniga oo dhoolcadaynaya, adiga ayaana sabab u ah.
  • Kaliya waxa aan doonayaa in aan kuu sheego, jacaylkaaga ayaa ah waxa ugu fiican ee ugu dhaca.
  • Marka kaliya ee aan si doqonimo leh ula qoslay Telefoonkayga ayaa ah markii aan adiga fariin kaa helay.
  • Hadii ay jirto wax aanan nolosha ka badin kaliya waxa aan dooran lahaa in aanan noloshayda ka badalin markii aan kula kulmay ee aan ku jeclaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*