Fariimo Jacayl: Kalmadaha Ugu Cajiibsan Ee Aad U Diri Kartid Qalbiga Aad Jeceshahay.

Waa Bahda Alsomali oo idin leh Jimce wanaagsan meel walba oo aad ka joogtaan Adduunka, sida caadada ah waxa aan jimce walba Akhristayaasheena u soo bandhignaa fariimo jacayl oo cajiib ah.

Cabirista jacaylka ayaa ah mid muhiim ah waxana qof walba u baahanyahay wakhti uu fariimo qalbi qaboojis ah u diro qofka uu jecelyahay wiil ama gabadh.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Fariimo cajiib ah oo jacayl ah.

  • indhaheyga u jecel yihiin iney daawadaan muuqaalkaaga ayuu qalbigeyguna u jecel yahey xusuustaada iyo in aad mar walbo aad ku dhex jirto.
  • Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey in aan noolaha kuu jeclahey.
  • Anigoo dhul oomane ah socda misana heysan wax biyo ah hadaan xusuusto jaceylkaad I siisey dhab ahaan waxaan iloobaa haraadka waxaana gala jawi farxadeed.
  • Macaanto ma lihid saluug mana tihid sida noolaha oo kale waxaan aaminsanahey in aad wax dheertahey dhamaan Aadanaha.
  • Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax Khayaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku jeclaadey oo jaceylkii aan Khayaaliga ka aaminsanaa ayaa weerar igu soo qaadey qalbigeyguna ma habsaaminee wuxuu jeclaadey qalbi u qalma jaceylka!
  • Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahey anna.
  • Dadka waxey riiyoodaan markey hurdaan oo indhaha is geliyaan laakiin aniga Aaadanaha taas waan kaga duwanahey waayo qalbigeyga asoo soo jeeda ayuu kugu riyoodaa.
  • Fariintaan adigoo akhrinayaa wax yar indhaha isku qabo kadib aayar feyd indhaha waxaad arkeysaa anigoo kuu sida ubax Casaan ah.
  • Midigta waxey kaashataa Bidixdee indhahana waxey kaashadaan ileyska si ay wax u arkaan anna waxaan kaashadaa adiga.
  • Waxaan kuu soo taagaya gacan Kalgaceyl ee aayar usoo qabso gacanteyda qalbigana geli sidii aanu nahey ul iyo diirkeeda kadib aayar talaabada iila qaad oo isii jaleeco Kalgaceyl waxaan kugu hogaaminayaa beerta raaxada.
  • Ma lihi khiyaar kale illaa aad ila joogto mana lihi awood kale oo aan wax ku jeclaado waayo qalbigeyga adiga ayaa durba camirey.
  • Xabiibti qalbigeyga ayaad ku camirtey jaceyl mug weyn anna waxaan kuu balan qaadayaa inaan ku siiyo Kalgaceyl hufan oo la mid ah kaaga.
  • Ilinta iga qubaneysaa waa jaceylkaan kuu qabo calaamadiis mana haayo sabab kale oo aan kugu dareensiiyo waayo maba jirto awood ka dhakhsi badan oo aad ku fahmi karto waxa qalbigeyga kuugu jira.
  • Waan ku Jeclahay adigoo ii dhow waan ku Jeclahay adigoo iga fog, intaba adigaan ku jeclahay .
  • Waligeyga kuma ilobi doono Maalin walbo iyo Saacad walbo ilaa ay geerida iga timaado.

 

  • Qalbi Duufaanada Ayaan Kugu Soo Dhiibaa Fariimo Culus oo Katurjumayo Xinjiraha Wadnaheyga Uu Ku shaqeeyo Waqtiga Xigana Biriqda Roobka Ayaan Kugu Soo Dhiibi Doonaa Nafteyda Oo Idil.
  • Ifka markaan imid waxaan hawoodey iftiin markaan iftiin heleyna waxaa sii hawoodey iftiin kale
  • mana helin ilaa waxaan iftiin dhab ah aan heley kolkii aad ila qaadey caashaqa.
  • Harka dadku hardasaan aniga uma arko har qaboow waxaana dareemaa xilli kasta in aan u baahanahey har qaboow mana jirto meel aan ka helo ilaa waxaan ka helaa laabtaada markaad I geliso.
  • Haddii laygu dhaho hal magac soo qor anigoon aqoon sida waxa loo qoro waxaan hubaa inaan qori karo magacaaga maxaa yeeley laabteyda ayaa ku xafidey.
  • Waxaa malabka loo jecelyahey muudsigiisa waa daawanimadiisa anna waxaan kuu jeclahey waa caashaqaad I deeqsiisey.
  • Sida dhulka uga dhergeyn biyaha, sida maalinta uga dhergeynin kulka (iftiinka) ka yimaada cadceeda ayaana anna marna ka dhergeyn jaceylkaada (wehelkaaga)
  • Indhuhu bilic baa ku weyn, hooyadu ilmaheedaa ku weyn geedi sahan wacan baa ku weyn, anna ADIGAA igu weyn.
  • Caashaqa howli’i ma hagaago, higsigeena waxaa gaari karnaa kolkaan hawraarsan iyo haye-da isla heyno.
  • Nolosha baraaraheeda waxaa bilow u ah caashaq, waxaase albaab u ah kalsoonisa qufulna waxaa u ah guur.
  • Markii aad Nolsohayda ku soo biirtay wax walba waxa ay noqdeen wax cusub, Noloshaydu waxa ay noqotay mid nasiib wanaagsan leh, farxadaydy way dhamaystirantay, waan ku jecelahay.
  • Waxa aan jecelahay qaabka aad magacaygu ugu dhawaaqdo
  • Waxa aan jecelahay qaabka aad ii jeceshahay
  • Waxa aan jecelahay qaabka aan magacaaga ugu dhawaaqo
  • Waxa aan jecelahay qaabka aad ii daryeesho
  • Waxa aan jecelahay waxa aad tahay.
  • Maalin walba waa kuu xiisaa Adiga.
  • Saacad walba waan kuu baahanahay adiga.
  • Daqiiqad walba waan ku dareemaa adiga
  • Il bidhiqsi walba waan kuu baahanahay adiga
  • Abid waan ku jecelahay.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*