Fariimo Jacayl Subax Wanaagsan Ah Oo Cajiib Ah Oo Aad U Diri Karto Qof Naftaada Khaas Ku Ah.

Farriimaha “subax wanaagsan” ayaa ah mid qalbiga u dajinaysa qofka aad jeceshahay hadii aad u dirto subaxda hor waxana qofka dareensiinaysaa in aad danaynayso.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa fariimo cajiib ah oo aad u diri kartid qofka qalbigaaga qaaliga ku ah ee aad aadka u jeceshahay.

1.💕Qorraxdu waxay waddooyinkeenna maanta ka dhigtay kuwo dahab ah, Waa Subax cajiib ah oo ay tahay in aan wakhti kula qaato, waan ku jecelahay.

2.💕In aan soo koco subax kasta aniga oo gacanta ku haysta waa riyo aan doonayo in ayna abid iga dhamaan, Subax wanaagsan gacaliso/Gacaliye.

3.💕Habeen walba waxa aan seexdaa niga oo rajaynaya riyo fiican oo adiga kugu saabsan, laakiin marka aan koco waxa aan illahay ugu mahadiyaa in jacalkeenu in uu dhab yahay.

4.💕Run ahaantii waxa aan illahay uga mahadinayaa in aan kuugu yeedho jacaylkga, Subax wanaagsan gacaliye/Gacaliso, waxa aan kuu rajaynayaa in aad maalin fiican qaadato.

5.💕Waan ku faraxsanahay inaan awoodo inaan maalin walba kula joogo. Waan ku jeclahay mana sugi karo in aan mar kale kulano.

6.💕dhamaan Habeenada iyo maalmahayga waxa ka buuxa la yaabka jacaylkaaga, Subax wanaagsan waanad ku mahadsantahay in aad tahay qof qaali ii ah.

7.💕Subax wanaagsan Galiye/Gacaliso illahay hakuu fududiyee maalinta, iga gudoon dhunkasho aan hawada kuu soo mariyo.

8.💕Subax wanaagsan, waxaan rajeynayaa inaad ku qanacsan tahay xaqiiqda ah inaan wada jir u dhaafi karno dhibaatooyinka oo dhan.

9.💕Subax wanaagsan, waxa aad tahay Xiddigta I Hagta adiga la’aantaana waxa aan ku lumayaa madawga Adduunka.

10.💕Subax Wanaagsan Gacaliso/Gacaliye, shimbiruhu way heesayaan, Qoraxdu way soo ifaysaa, Aduunkuna waa fiicanyahay sababta oo ah adiga ayaa soo toosay.

11.💕Waxaan rajaynayaa subaxaagu inuu yahay iftiin sida dhoola cadeyntaada cajiibka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*